HomeAll newsCiidamada Nayjar Oo gacanta ku haya Madaxweynihii dalkaas.

Ciidamada Nayjar Oo gacanta ku haya Madaxweynihii dalkaas. [UPDATE]

Wakaaladda Reuters oo soo xiganeysa ilo wareedyo amni ah ayaa tilmaamtay in ciidamo katirsan ilaalada madaxtooyada ay hareereeyeen qasriga madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Niyami.

Wakaaladda Turkiga ee Anaadool waxay dhankeeda baahisay in ciidamada ilaalada madaxtooyada dalka Nayjar ay go’doomiyeen xafiiska madaxweynaha dalka iyo guriga uu deganyahay.

Wariyaha wakaaladda Reuters ee dalkaas ayaa isgana wuxuu sheegay inuu indhihiisa ku arkay gawaarida gaashaman ee ciidamada milliteriga oo galaya qasriga madaxtooyada ee Niyaami.

Masuul katirsan madaxtooyada dalka Nayjar ayaa tlimaamaya in shaqaalaha madaxtooyada aaney illaa iyo hadda u suurogelin iney gaaraan xafiisyadooda shaqada, mana kala cada in madaxweyne Muxamad Baazuum ee gudaha madaxtooyada ku jiro iyo inakle.

Wakaaladda wararka ee Faransiiska waxay dhankeeda baahisay in xaaladda guud ee magaalada Niyaami ay tahay mid degan, illaa iyo hadana aan lasoo sheegin rasaas la maqlayo ama ciidamo dheeri ah oo isku fidiyay magaalada.

2021-dii ayaa Muxamad Baazuum waxaa loo doortey madaxweynaha dalka Nayjar, isagoona noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee carab ah oo talada dalkaas la wareega.

Nayjar waxaa lagu tiriyaa wadamada ugu badan ee caalamka ee ay afgembiyo ka dhacaan, tan iyo markii ay xurnimada ka qaadatay Farnsiiska 1960-kiina waxaa dalkan ka dhacay 4 afgembi oo talada looga tuurey madaxweynayaashii kursiga ku fadhiyay, kii ugu dambeeyayna wuxuu dhacay sanadkii 2010-ka, waxaana talada looga tuurey madaxweyne Mamaadu Tanja.

Illaa iyo hadda ma cada xaaladda rasmiga ah ee ka jirta dalka, iyo in ciidanku millteri ay afgembi sameynayaan iyo inkale, waxaan soo baxeysa in ciidamada ay gacanta ku hayaan madaxweynaha.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular