HomeAll newsCiidamada Alshabaab oo madaafiic ku weeraray Xerada Maslax.

Ciidamada Alshabaab oo madaafiic ku weeraray Xerada Maslax.

Ciidamada xarakada Alshabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraray xarumo ciidan oo ku yaalla gobalada Banaadir,shabeelaha Hoose iyo Bay.

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab ay saakay arooii madaafiic ku garaaceen xerada Maslax ee ku taala duleedka xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hilwaa ee magaalada Muqdisho.

Boqolaal katirsan ciidamada dowladda ayaa saldhig ku leh xerada oo dhawaan ay isaga baxeen Ciidamada shisheeye ee Atmis.

Madaafiicda ayaa ku hoobta xerada lama helin faafaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay.

Shabeelada hoose.

Ciidamada Alshabaab waxey xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Atmis ee Buundada deegaanka Bariire ee duleedka degmada Afgooye.

Baay.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay maqribkii weerareen saldhiga ciidamada maamulka koonfur galbeen  ee deegaanka Goof-gaduud Buurey ee duleedka magaalada Baydhabo.

05-01-1445 maalin axad ah ayay aheyd markii ciidamada Mujaahidiintu ay dagaal kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga magaalada Baydhabo.

dagaalkaasi ayaa waxaa ku dhintay 5 Askari 13 kalana wey ku dhaawacmeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular