Dagaal yahanno katirsan xarakada Alshabaab ayaa xalay qaaday dagaallo ka dhacay gobalada Bay iyo shabeelaha hoose.
Baay.
Ciidamada Alshabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor.
Isla Baay waxey ciidamada Mujaahidiintu xalay weerareen xerada ciidamada maamulka koonfur galbeed ee Xero Kowaad ee degmada Diinsoor.
Isla Baay waxey ciidamada Alshabaab xalay dagaal ku qaadeen saldhiga ciidamada Maaya Fuulka ee magaalada Baydhabo.
Isla Baay waxey ciidamada Mujaahidiintu madaafiic ku garaaceen xerada Askarta koonfur galbeed ee deegaanka Goof-gaduud Buurey ee hoostaga magaalada Baydhabo.
Shabeelada Hoose.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidamada Afrikaanta iyo saldhiga ciidamada dowladda ee degmada Qoryooley.
Sidoo kale Shabeelada hoose waxey ciidamada Mujaahidiintu xalay dagaal culus ku qaadeen xerada shisheeyaha ee deegaanka Danow ee hoostaga degmada Qoryooley.
Ma aynaan helin faafaahin ku saabsan dagaallada xalay dhacay ee lagu qaaday ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa shisheeye.