HomeAll newsBaydhabo: Al-Shabaab oo Saaka Cagta Mariyay Saldhig Ciidan.

Baydhabo: Al-Shabaab oo Saaka Cagta Mariyay Saldhig Ciidan.

Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka weerar cagmarin ah ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen askarta DF oo ku yaalla duleedka degmada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu ka dhacay degaanka Goofgaduud Buurey kadib markii ciidamada Al-Shabaab ay weerareen saldhigga askarta DF iyo kuwa Koofur Galbeed.

Al-Sahabaab waxaa u suura gashay in ay la wareegaan gabi ahaanba saldhigga, ciidamada DF ay isaga cararaan goobta. Inta la xaqiijiyay waxaa ciidanka Koofurgalbeed dagaalka looga dilay 2 askari.

“Walaalow rasaas yar oo ay ku baxsadaan ayay rideen ciidanka Koofurgalbeed, xataa wey dagaalameen kuma dhihi kari, saldhiggana Al-Shabaab ayaa si degdeg ah kula wareegay” ayuu yiri, goob jooge ku sugan magaalada Baydhabo.

Sidoo kale waxay ciidamada Al-Shabaab weerareen saldhigga ciidanka Jubbaland ee degmada Afmadow oo dhacda Jubbooyinka, waxaa la maqlayay hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta la isku adeegsanayay.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular