Qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee caalamka Islaamka waxaa salaaddii Jimcaha kadib ka dhacay dibadbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dadka muslimiinta ah, kuwaasoo looga soo horjeedo tallaabada ay dowladda Sweden ku caadeystay iney ku gubto Musxafka Quraanka kariimka.
Dadka dibadbaxyada ka qeybgalayay oo isuga jira qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa watay boorar waaweyn oo ay ku xardhanyihiin hadallo lagu difaacayo Quraanka, waxaana kamid ahaa ” Waan jecelnahay Quraanka” iyo kuwa kale.
Muslimiin ku nool wadamada Turkiga, Pakistaan, Xarameynka, Qadar, Maleysiya, Urdun, Ciraaq iyo Lubnaan ayaa aad u muujiyay shucuurtooda ku aadan sida ay uga xunyihiin tallaabada lagu gubay Quraanka kariimka, waxayna codsadeen in safaaradaha Sweden ee caalamka Islaamka albaabada la isugu dhufto.