Dagaal maanta ka dhacay gobolka Bakool ayaa lagu soo waramayaa in khasaare lagu gaarsiiyay ciidamada Xabashida Itoobiya.
Wariye Cabdullaahi Soomaali oo hawlo shaqo u jooga gobolka ayaa soo sheegaya in dagaalku uu ku bilowday kadib markii ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar dhabbagal ah u dhigeen kolonyo askar Xabashi ah.
Xabashida ayaa kasoo baxay xero ay ka deggan yihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool xilli ay ilaalo ka qabanayeen (waa Itoobiyaanka’e) diyaarad ugu soo dageysay garoonka macmalka ah ee degmada.
Dhabbagalkii ayaa isku badalay dagaal culus oo khasaare lagu gaarsiiyay Xabashida halkaasoo looga dilay tobaneeyo askari.
Ilo wareedyo dhanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ahna waxay noo xaqiijiyeen in Itoobiyaanka ay goobta uga carareen meydadka 8 askari kuwaasoo ay dul istaageen ciidamadooda.
Sidoo kale askarta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gacmaha ka buuxsaday hub iyo agabyo ay ka furteen ciidanka Itoobiyaanka. Sarkaal ka tirsan DF oo ku sugan Waajid ayaan xariir la sameynay si aan xog uga helno, wuxuu inoo sheegay inuusan fasax u heysan inuu ka hadlo dagaalkii maanta, balse wuxuu tibaaxay in ciidamada Xabashidu aad u careysan yihiin.
Dhanka kale waxaa maanta gobolka Shabeelaha dhexe ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka hawlgala gobolkaas iyo askarta Burundi oo ay wehlinayaan ciidamada DF.
Askarta Burundi ayaa isku dayay iney dhaqdhaqaaq ka sameeyaan Xawaadley iyo nawaaxigeeda, hase ahaatee waxay la kulmeen dagaal lama filaan ah oo uga yimid milatariga Xarakada Al-Shabaab, waxayna dib ugu laabteen xeryihii ay kasoo faalaleen.
Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ciidanka Burundi laga dilay 1 askari, DF-kana laga dilay 2 kale, iyadoo uu dhaawac halis ah soo gaaray sarkaalkii watay ciidanka Burundiga ee kamiinka loo dhigay.
Inkastoo xoguhu sheegayaan in Burundiga iyo askarta DF la gaarsiiyay khasaare kala duwan, haddana ma aanan helin cadada rasmiga ah ee waxyeelada dhimasho iyo midda dhaawac ee gaartay.
Bishii May ee Sannadkii 2022 ayay ahayd markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay boqollaal askari oo Burundi u dhashay ku dishay degmada Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.