Faahfaahin ayaa kasoo baxaysa shil gaari iyo weerar ka kala dhacay Shabeelaha Hoose iyo Nugaal kuwaasoo sababay khasaarooyin kala duwan.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka hoos taga ee loo yaqaano PMPF ay galeen shil dhimasho sababay.
Shilka ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 2 askari oo ciidankaas ka tirsan iyadoo taliyahoodiina uu ku dhaawacmay.
Dhanka Shabeelaha Hoose, ciidamo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weerar hubeysan ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen askarta DF waxaana ku dhaawacmay 4 asakri sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.
Weerarkan dhabbagalka ah ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Wanlaweyn iyo degaanka dariska la ah ee Warmaxan.
Ciidamada DF ayaa si joogto ah ula kulmaya weeraro khasaarahooda wata oo uga imanaya milatariga islaamiyiinta Xarakada Al-Shabaab.