HomeAll newsXildhibaan Fiyoore: "Weerarkii Kuliyadda Sidii Loo Qorsheeyay Ayuu U Dhacay"

Xildhibaan Fiyoore: “Weerarkii Kuliyadda Sidii Loo Qorsheeyay Ayuu U Dhacay”

Xildhibaan Maxamad Barre Fiyoore oo kamid ah baarlamaanka federaalka ayaa ku biiray liiska xildhibaanada ka hadlay weerarkii cuslaa ee dhawaan ka dhacay kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Muqdisho, weerarkaas oo lagu laayay askar badan oo ka tirsanaa guutada 14 october.

Xildhibaanka oo khudbad ka jeediyay Baarlamaanka ayaa sheegay in uu tagay goobta uu qaruxu ka dhacay soona arkay sida ay wax u dhaceen.

“Aniga waxaan kamid ahaa xildhibaanadii tegay meeshii ay wax ka dheceen, dhaawacyada soo arkay, dhibkana arkay, xaqiiqatan marka aad fiiriso masiibada dhacday waxay u dhacday sida loogu tala galay” ayuu yiri xildhibaan Saabir.

Xildhibaanka ayaa si adag uga hadlay fashilka amni ee heysta DF, wuxuu tuhmay taliska sirdoonka DF oo iyagu sheegay iney baarayaan sidii ay wax u dhaceen, hase ahaatee gudoonka baarlamaanka ayaa ka damiyay codbaahiyaha, waxaana uu helay xildhibaano taageero ah kuwaasoo miiska garaacay.

Ugu dambeyntii wuxuu ku adkeystay in la baaro sida ay wax u dhaceen, wuxuuna walaac badan iyo qoomamo ka muujiyay sababta markii hore ciidankaas looga soo qaaday Sh/hoose ee loo geeyay magaalada Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular