Wararka naga soo gaaraya wadamada Koofur Afrika iyo Turkiga waxay sheegayaan in habeenkii xalay lagu dhibaateeyay dad Soomaali ah kuwaasoo dhimasho iyo dhaawac loo kala geystay.
Dalka Koofur Afrrika haddaan ku hormarno waxaa lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed xilli uu xaruntiida ku sugnaa, waxaana sida wararku sheegayaan falkan geystay kooxo burcad ah oo dalkaas u dhashay.
Ganacsadaha la dilay oo lagu magacaabi jiray Daahir Nigar ayaa muddo ku noolaa wadankaas, waxaa lasoo sheegayaa in la boobay ganacsigiisii. Ciidamada Booliska ee dalka Koofur Afrika ayaanan qaban kooxihii falka ka dambeeyay.
Dalka Koofur Afrika marka la dilo qof Soomaali ah waxay laamaha amniga ku andacoodaan in lasoo baarayo, markaas waxay geeyaan isbitaalada si ay ugu tababartaan ardayda kuliyadaha caafimaadka kasoo baxay ee la doonayo iney qalliimada bartaan.
Daahir ayaa noqonaya ganacsadii labaad oo mudo 24 saac gudahood lagu dilo dalkaas, waxaana isaga ka horeyay Cusmaan Cabdisalaan Maxamed oo meel u dhow caasimadda lagu khaarajiyay.
Dhanka kale, waxaa wadanka Turkiga habeenkii xalay ka dhacay weerar lagu dhaacay 2 nin oo Soomaali ah kuwaasoo waxyeelladooda loo adeegsaday mindiyo.
Goobjoogayaashu waxay soo sheegayaan in weerarkan ay geysteen rag ajaanib ah oo si gaar ah u beegsanayay Soomaalida. Mid kamid ah ganacsatada waxaa tooreyda laga geliyay dhabarka, halka kan kale dhabarka hoostiisa looga dhuftay.
Ciidamada Booliska ayaa ku qamaamay dadka Soomaaliyeed si waliba arxan darro ah iyagoo amar ku siiyay iney xeraan goobahooda ganacsiga.