HomeAll news4 Sano Kadib DF oo U Baroordiiqdey Weerarkii Al-Shaabab Ay Kusoo Afjareen...

4 Sano Kadib DF oo U Baroordiiqdey Weerarkii Al-Shaabab Ay Kusoo Afjareen Maamulkii Gobolka Banaadir. (Warbixin)

Sawirka Kulanka Baroordiiqda

Muddo 4 sano ah ayaa kasoo wareegatay markii Xarakada Mujaahidiinta Al-Shaabab ay soo afjartay maamulkii gobolka Banaadir ee DF, oo uu ugu weynaa Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) kaasoo heystay dhalashada dalka Ingiriiska.

Bishan oo kale 24 Julaay sannadkii 2019, weerar weyn oo abaabulan ayaa ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ah madaxtooyada labaad ee DF, halkaasoo xaflad soo dhaweyn ah loogu sameynayay ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

Taliska ciidanka Xarakada Al-Shabaab ayaa 25 Julay, 2019, sheegay in ujeedada weerarku ahayd in lagu khaarajiyo Ergaygaasi Mareykanka u dhashay, balse uu si dirqi ah uga badbaaday, isaga iyo qaraxana waxay ismoogaayeen daqiiqado aan badnayn, waxaase weerarkaasi ku dhintay gudoomiyihii maamulka gobolka Banaadir oo markaasi shir ku jiray, wax yar kadib markii uu ka tagay ergaygu.

DF, ayaa Jimcihii lasoo dhaafay qabatay baroor-diiq ku aadan dhacdadaadsi weyn, kulankaas oo ay soo abaabuleen mas’uuliyiintii maamulka gobolka banaadir ee qaraxa ku dhaawacmay kuwaasoo qaarkood ku naafoobay.

Goobta waxaa ka muuqanayay raashin miisaska lagu soo camiray iyo sawirrada Yariisow oo darbiyada lagu xardhay. Seynab Xaabsey oo ah gudoomiyaha degmada Wardhiigley, kana mid ahayd xubnihii ku dhaawamay weerarka, islaamrkaana lagu soo daweeyay dalka dibaddiisa ayaa sheegtay in ay murugo dareento markii ay xasuusato dhacdadaas.

Maxaa Baroordiiqda Baajiyay 24 Julay?

DF ayaa sannad walba 24/Julay dhigi jirtay xaflad ay ugu baroordiiqeyso weerarkii gobolka Banaadir, hase ahaatee hadda waxay ku beegtay 28 Julay, tan oo ka dhigan iney dib uga dhacday muddo 4 maalmood ah.

Xog ay heshay warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa sheegeysa in sababta dib u dhaca ay tahay weerarkii Kuliyadda Jaalle Siyaad oo kusoo beegmay maalintii baroordiiqda la sameyn lahaa.

Maalinkaas waxaa la iibiyay xoolo, waxaa la diyaariyay xarunta Macallin Nuur ee degmada Wadajir, balse iyadoo hawshu socoto ayaa gudigii qabanqaabada loo soo sheegay in uu dhacay weerar ay ku baaba’een ciidamada DF.

Gudiga ayaa dib u dhigay baroordiiqda Yariisow inta ay ka dhamaanayso baroordiiqda khasaarihii ka dhashay Kuliyaddii Jaalle Siyaad. Dadka qaar ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in aan tacsida Yariisow marnaba lagu soo hadal qaadin weerarkii Kuliyadda looguna tacsiyeyn askartii faraha badnayd ee ku le’atay.

Maxay Tahay Saameynta Uu Illaa Hadda Ka Tagay Weerarku?

Weeeraras oo lagu soo afjaray mid kamid ah hawlbawlayaasha DF ayaa tan iyo xilligaas la dareemayaa saamaynta uu reebay maxaa yeelay waxaa lagu dumiyay maamulkii gobolka Banaadir oo idil, waxaa kordhay cabsida dad badan oo maamulka ka tirsanaana wey isaga tageen.

Dowladdu waxay weerarka ku weysay Gudoomiyihii gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow oo u dhintay dhaawac halis ahaa oo soo gaaray, Agaasimihii Shaqada iyo Shaqaalaha, Cabdullaahi Cali Dheere, Agaasimahii Qorsheynta deegaanka Injineer Shuuriye, Agaasimahii Nadaafadda Gobolka Banaadir, Cabdifitaax Cumar Xalane, Guddoomiyahii degmada Cabdicasiis, Sabaax Cabdullaahi Asad, Gudoomiyahii degmada Shangaani, Sahra Markeesi, Guddoomiyahii Waabari, Mahad Cilmi, Lataliyahii dhanka sharciga ee Maayarka, Abukaate Xasan Maxamed Sabriye iyo xubno kale.

Sannadkii lasoo dhaafay ee 2020, Madaxweynahii DF ayaa Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa meel fagaare ah ka sheegay in weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo dib u dhac weyn ku keenay dowladda iyo wax yaabihii ay hiigsanaysay.

Falanqeeyayaashii ka hadlay hawlgalka waxay yiraahdeen. “In Xarakada Al-Shabaab fuliso weerarka noocan ah ma ahayn wax markii horaba aan la maleysan karin kol haddii ay horey hawl gallo uga fulisay Madaxtooyada, Maxkamadda Sare, Xalane, UNDP, Baarlamaanka, hoteelada gabbaadka u ah dowladda iyo goobo kale” Laakin waxaa DF qaadan waa ku noqday in mar qura lasoo afjaro maamul gobol oo dhan, waana midd keentay in dhowr bilood uu gobolku ahaa gudoomiye la’aan, goortaasoo muddo kadib la magacaaba Cumar Finish.

Qaar kamid ah mas’uuliyiintii ku dhaawacmay weerarka ma aysan helin caafimaad iyo dawo ku filan, waxayna sheegayaan in qaruxu uu raadad xooggan uga tegay, waxaa mas’uuliyiintaas kamid ah gudoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cabdulqaadir Maxamad Cabdulqaadir.

Maxaa Kasoo Baxay Baariyaankii Weerarka Iyo Gudigii Loo Saaray?

Guddi uu Farmaajo u xilsaaray iney baaritaan ku sameeyaan weerarkii Xarunta gobolka Banaadir ayaa illaa hadda ku maqan shaqadaas, waxaana ay sannad guuradiisii afaraad kusoo aadeysaa iyadoo ay fadeexad kasoo baxday tallaabooyin ay qaadeen sirdoonka DF oo lagu dhibaateeyay dad aan waxba galabsan kuwaasoo dusha loo saaray iney Al-Shabaab kala shaqeynayeen weerarka.

Waxaa la xiray, oo si xun loola dhaqmay nin fannaan ahaa oo u heesi jiray Cabdiraxmaan Yariisow sidoo kalana barnaamijyo madadaalo u qaban jiray maamulka, kaasoo la yiraahdo Abshir Gaarane. Abshir waa lagu kaarta baxay, walow markii dambe ay cadaatay in la dulmiyay oo dhibaayo badan loo geystay, saasoo ay tahayna ma jiro wax magdhow ah oo laga siiyay xadgudubkaas.

DF, waxay sheegtay in ay Yariisow ku maamuustay in magaciisa la siiyo garoonka ciyaaraha ee Koonis kaasoo ay hadda ugu yeerto “garoonka Injineer Yariisow” Yariiswo ayaa lagu amaanay inuu ahaa nin galaangal badan oo siyaasadda ku leh saaxiibo badan oo dibadda ah, waxaa lagu suntay inuu ahaa ilaaliya dastuurka kuna dadaala dhaqan gelinta dimuqraadiyadda.

Muddadii uu ahaa wasiirka warfaafinta waxaa looga bartay warar badan oo aan xaqiiqda ku saleysnayn, waxaana tusaale loo soo qaadan karaa weerarkii uu Mareykanku ku laayay 11 qof oo qaraabo wada ah oo sannadkii 2017 ka dhacay degaanka Bariirre ee gobolka Sh/hoose. Yariisow ayaa sheegay in dadka lagu laayay weerarkaas ay ahaayeen Al-Shabaab laakin todobaadyo kadib Mareykanka ayaa qiray inuu shacab laayay markii meydadkooda la geelayay Muqdisho.

Farriintii Al-Shabaab Dilkii Yariisow Kadib.

Farriin uu diray Afhayeenka ciidanka Xarakada Al-Shabaab, Sheekh, Sheekh Cabdicaziiz Abuu Muscab oo ku aadanayd weerarkii xarunta gobolka Banaadir ayaa ahayd in aysan jiri doonin meel ay ku nabad galayaan madaxda DF iyo kuwa shisheeyaha, waxaana muddada 4ta sano ah ee laga joogo dilkii Yariisow la khaarajiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Waxaa la galay Filla Ros oo ku taalla xeyndaabka madaxtooyada goortaasoo Xasan Sheekh lala cararay, waxaa loo dhaadhacay hotel Afrika oo lagu dilay Janaraal Galaal iyo xubno kale, waxaa lala wareegay hotel Xayaat oo lagu dilay mas’uuliyiin ciidan, sidoo kale waxay naftood hurayaasha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab mar kale ku rogaal celiyeen isla xaruntii lagu dilay Yariisow iyo mas’uuliyiintii kale ee maamulka gobolka.

Weerarkii labaad ee lagu galay xarunta oo ku beegnaa Jan 22, 2023 ayaa lagu dilay 34 xubnood oo uu agaasime ku jiro, xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa sii korortay cabsida iyo walwalka, illaa uu dhawaan gudoomiye madaale sameystay ciidamo u gaar ah ilaalinta xarunta.

Xarun qaabilsan waxa loogu yeero “La dagaalanka Argigixisada” oo ka tirsan Kuliyadda ciidamada Mareykanka ayaa 2 sano kadib weerarkii Xarunta gobolka Banaadir soo saartay diraasad ay ku sheegtay in XSHM ay ka sarreeyaan sirdoonka DF kana taxadarto inaan la ogaan xogaha weeraradeeda. Cilmi baarayaasha lagu kala magacaabo “Jaason Warner iyo Ellen Japin” ayaa lagu xusay in weerarada istish-haadiga ah intooda badan beegsadaan xubnaha iyo madaxda dowlada, hay’adohooda Amniga ah iyo dhismayaasha ay ku shaqeeyaan, kuwaas oo nasiib u helay in lala beegsado 36.6% weerarada istish-haadiga ah, sidoo kale ciidamada shisheeye, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa warbixinta lagu sheegay in 24.5% lagu beegsado weerarada Istish-haadiga ah, halka 32.4% weeraraadaas lagu beegsado goobaha ay si wadajir ah ugu sugan yihiin dadka aan horay u soo sheegnay sida Hoteelada iyo maqaayadaha ay ku shaahaan madaxda DF iyo saraakiisha reergalbeedka.

Haddaba, intee in la eg ayay madaxda DF kusii noolaan karaan nolosha qarax sugidda, mar haddii ay wax qaban waayeen muuqaal duubayaasha ay darbiyada ku dhajiyeen, ciidanka faraha badan ee ay xarumaha dhigeen iyo dhagxaanta ay wadooyinka ku gooyeen?.

Halkaan Ka Dhageyso Warbixin_4_Sano_Kadib_DF_oo_U_Baroordiiqeysa_Weerarkii_Al_Shaabab

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular