HomeAll newsXujeyda Muslimiinta Oo Maanta Si Rasmi Ah U Billaabay Acmaasha Xajka.(Warbixin)

Xujeyda Muslimiinta Oo Maanta Si Rasmi Ah U Billaabay Acmaasha Xajka.(Warbixin)

Malaayiin qof oo muslimiin ah ayaa kusii qulqulaya goobaha barakaysan ee magaalada Makka Almukaramah,dadka ayaa iyagoo kala madab ah kala af ah waxay guda gelayaan acmaasha xajka waxa kaliya ee mideeya ayaa ah kalimadda Towxiidka.

Martida guriga allaah ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaya acmaasha xajka iyadoo ay tahay maalinta 8-aad ee bisha carafo.

Xujeyda Beytka Raxmaanka ayaa maanta u jiheysta dhanka Mina, si ay halkaas ugu soo gutaan maalinta Sideedaad ee loo yaqaano Yomu-Tarwiyah.

Maalinimada berri ah waxay Xujeydu gudan doonaan Rukniga ugu weyn ee Xajka, Nabiga Muxamed Sallallaahu Caleyhi Wasalama ayaa yiri “Xajku waa carafo” taasi oo ay culimadu ku fasireen in acmaasha ugu weyn ee Xajka ay dhacayaan maalinta Carafo.

Halkan ka dhagayso Warbixin ka hadleysa Acmaasha Xajka Oo Faafaahsan

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular