
Wararka ka imaanaya dalka Maali ee ay duullaanka ku jooga ciidamada shisheeye ee jinsiyadaha kala duwan leh ayaa ku waramaya, in weerar xooggan oo khasaare dhaliyay lala beegsaday askar katirsan qaraxamada midoobey, ee dalkaasi ku jooga waxa loogu yeero howlgalka nabad ilaalinta.
Ugu yaraan 1 askari ayaa kamid ah ciidamadaas ayaa lagu dilay, 4 kalena dhaawacyo daran ayaa kasoo gaaray, weerar culus oo ciidankaan lagula beegsaday woqooyiga dalka Maali, sida uu shaaciyay taliska Minosma ee Qaramada Midoobey.
War-qoraal ah oo ay kusoo daabaceen bartiida Twitterka ayay ku sheeegeen, in kolonyo katirsan askartooda oo ku socdaalayay tuulo lagu magacaabo Biir ay la kulmeen weerar culus oo kamiin ah, kaas oo ku billawday qarax xooggan.
“Macluumaadka horudhaca ah waxa ay tilmaamayaan dhimashada 1 askari, oyo 4 kale oo ay dhaawacyo daran soo gaareen” ayaa lagu sidoo kale lagu yiri warka kasoo baxay taliska, mana shaacin jisiyada askartaan la beegsaday.
Tuulada uu ka dhacay weerarkaan oo ku taalla Mandiqadda Tambokto ayaa ah goob ay ku xooggan yihiin Mujaahidiinta, waxaana sanadihii lasoo dhaafay halkaasi si xiriir ah kaga dhacayay weeraro xooggan.
Warbixinno ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay, in 303 askari oo kamid ah ciidamada iyada taabacsan lagu dilay dalka Maali, tan iyo markii ay dalkaasi ku duuleen sannadkii 2013-ka, balse tiradaas ayaa ah mid waxba kama jiraan ah, waxayna Mujaahidiintu marar badan laayeen boqallaal katirsan ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Maali.
Illaa iyo ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkaan cusub, balse Jamaacada Nusratul Islaam Wal Muslimiin ee ku xiran urur weynaha Al-Qaacida ayaa si joogta ah dalka Maali kaga fulisa, weeraro ka dhan ah ciidamada shisheeye iyo Maleeshiyaadka la shaqeeya.