HomeAll newsWarsaxaafadeed: 123 Askari oo Xabashida Uga Dhintay Weeraradii Dooloow.

Warsaxaafadeed: 123 Askari oo Xabashida Uga Dhintay Weeraradii Dooloow.

Faahfaahin dheeraad ah oo kasoo baxday labadii qarax ee mataanaha ahaa ee ciidanka Xabashida lagula beegsaday degmada Doolow ee gobolka Gedo ayaa sheegeysa dhimashadain ka badan 120 askari.

Warsxaafadeed kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ayaa lagu sheegay in halkaas lagu dilay askar fara badan oo kor u dhaafeysa 100 laguna dhaawacay todobaatameeya kale, wuxuuna warsaxaafadeedku u qoran yahay sida soo socota:

“Faahfaahin camaliyaad lala beegsaday saldhiga xabashida ee Dooloow” 19 Dul-Qacda 1444 H (08 June 2023)

Iyadoo laga duulayo amarka Allaah ee ah in lala dagaalamo cadawgiisa, lana difaaco Diinta Islaamka, waxay ciidamada mujaahidiintu shalay oo Arbaco ahayd, 18 Dul-Qacda 1444H kubeegnayd 07 June 2023, laba camaliyad oo ishtish-haadi ah la beegsadeen saldhiga ciidamada saliibiyiinta xabashida ee xoogga ku haysta degmada Dooloow ee Wilaayada Islaamiga ah ee Gedo.

Camaliyada koowaad ee istish-haadiga ah waxay Mujaahidiintu la beegsadeen taliska ciidamada ee saldhiga Kabaaso halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiisha hogaamisa ciidamada Xabashida ah eegumaysiga ku haysta qaybo kamid ah Wilaayada Gedo, halka camaliyada labaad lala beegsadaykaydka hubka iyo saanada ciidan ee isla saldhiga Kabaaso.

Guud ahaan ciidamada ku sugnaa saldhiga la weeraray waxay ahaayeen 3,000 (sadex kun) oo askarioo ka tirsan saliibiyiinta xabashida.

Khasaaraha cadawga xabashida ah kasoo gaaray camaliyaatkaas istish-haadiga ah, inta aan xaqiijinay, waa 123 dhimasho ah iyo 78 dhaawac ah. Waxaa sidoo kale goobta ku gubtay kaydkii hubka ee saldhiga Kabaaso iyo gaadiid farabadan oo ah kuwa ciidamada.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay u dagaallameysa dhawritaanka badqabka Ummadda Muslimka ah, hirgelinta Shareecada Islaamka iyo inay dhamaan dhulalka Muslimiinta ah ka xoreyso gaalada iyo murtadiinta dabadhilifka u ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay mar kale ku celinaysaa dalabkii ahaa in dadka Muslimiinta ah ay ka dheeraadaan saldhigyada, xarumaha iyo xafiisyada cadawgu ku leeyihiin degmooyinka iyo deegaanada ay xoogga uga haystaan ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.

Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ballan ku qaaddeysaa inay sii wadi doonto Jihaadka ka dhanka ah isbahaysiga caalamiga ah ee saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah ilaa ay geyiga Soomaaliyeed ka saareyso cadowga hororka ah ee ku soo duuley, iyo illaa diinta dhamaanteed ay Allaah keliya u sugnaaneyso” .

Ciidanka Xabashida ayaa ayaa is lahaysiiyay degmada Doolow ee gobolka Gedo, heer ay gaareen iney dadka ku sandulleeyaan iney isticmaalaan lacagta Birta ee dalkooda.

Halkan Ka Degso Warsaxaafadeedka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular