HomeAll newsMaamulka Aala-Sucuud Oo Ku Fashilmay Xakameynta Waxyaabaha Mukhaddiraadka Ah.

Maamulka Aala-Sucuud Oo Ku Fashilmay Xakameynta Waxyaabaha Mukhaddiraadka Ah.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa maaro u waayay xakameynta waxyaabaha mukhaddiraadka ah ee kusoo qul qulaya gudaha Sucuudiga, iyo kuwa laga dhoofinayo gudaha dalkaas.

Daroogadaan oo tan ugu badan uu dalkaan soo galiyo nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad ayaa saameyn xun ku reebtay xubnaha u shaqeeya dowladda iyo bulshada intee kale.

Ciidamada maamulka Aala-Sucuud ayaa waxay mudooyinkii lasoo dhaafay wadeen, howgallo lagu beegsanayo dadka ku howlan waxyabaahaan daroogada ah, waxaana howlgal cusub oo ay sameeyeen ay sheegeen iney kusoo qabteen 7 ruux oo la xiriirinayo ka gancsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Inta badan dadka ka shaqeeya howlahaan ayaa ah kuwa hubeysan, waxaana howlgaalkaan uu nidaamka Aala-Sucuud sheegay, in guriga laga fuliyay ay sidoo kale ka heleen 2 qori, rasaas, iyo lacago fara badan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular