Ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta hotel Pearal beach oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay ku caweynayeen xubno kala duwan oo ka tirsan DF.
Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed hordhac ah kasoo saaray weerarka waxaana ay ku faahfaahiyeen warsaxaafadeed u qoran sida tan:
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay cawada fiidkii saacadu markii ay ahayd 8:00pm hawlgal qorshaysan oo inghimaasi ah ka billaabeen xarunta lagu magacaabo Pearal beach ee degmada Cabdi caziiz ee magaalada Muqdisho. Xarunta ay mujaahidiintu hawgalka ka wadaan ayaa ah goob ay ku caweeyaan saraakiil ka tirsan kooxda ridada ah, kuwaas oo kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah shareecada Islaamka iyo boobka dhaqaalaha Ummada Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Ciidamada Mujaahidiinta ee hawlgalka ku jira waxaa u suurtagashay inay gudaha u galaan xarunta Pearal beach halkaas oo ay si buuxda gacanta ugu hayaan.
Wixi faafaahin ah ee ku saabsan hawlgalkan socda dib ayaan ka gudbin doono insha-Allaah.”