HomeAll newsDaawo Video: Diyaaradaha Dagaalka Ee Kenya oo Duqeyn Ku Burburiyay Xaruntii Shirkadda...

Daawo Video: Diyaaradaha Dagaalka Ee Kenya oo Duqeyn Ku Burburiyay Xaruntii Shirkadda Hormuud Ee Degmada Saakow.

Diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo muddo sannado ah beegsi ku waday shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa habeenkii xalay duqeyn ku burburisay xaruntii shirkadda ee degmada Saakow.

Wariye Maxamad Cali Aadan oo ka tirsan Idaacadda Al-furqaan ayaa booqday xaruntii shirkadda ee ay duqeyntu ku dhacday wuxuuna kasoo duubay muuqaallo ka tarjumaya khasaaraha baaxadda leh ee soo gaaray.

Sida aan horey usoo daabacnay waxay sidoo kale diyaaradaha Kenya duqeeyeen xaafadaha rayidka waxaana gantaal ay ku dhufteen guriga qoysas hurdaya ku nafwaayay haweeney iyo gabar ay dhashay.

Diyaaradaha Kenya ayaa xadgudub ba’an ku haya ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada ku dhaqan gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Linkigan Ka Daawo Duqeynta Hormuud

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular