Cali Jeyte Cusmaan oo dhawaan laga qaaday xilkii gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa dhisme ku yaalla magaalada Baladweyne uga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha maamul cusub oo gobolka Hiiraan ku magacaaban.
Wuxuu sheegay in ay doorteen dad kooban oo dhismaha kula jiray oo ciidankiisa iyo taageerayaashiisa ah, wuxuuna maamulka Hirshabelle ku tilmaamay nidaamkii ugu qorshaha xumaa ee uu arkay.
“aniga muddo afartameeya sana ah ayaa laga joogaa ayaa laga joogaa xilligii aan nidaam dowli ah kusoo biiray waliba sannadaa raaca waligey mana maqal mana arag qof aadamiya oo wax xukuma oo ka qorshe xun maamulka Hirshabelle” ayuu yiri Cali Jeyte.
Wuxuu muujiyay mudadii uu dagaalka ku jiray in lagu shaqeysanayay sidoo kalana ay isaga iyo malleyshiyadiisu ahaayeen kuwa lagu xisaabtamo, laakin hadda wixii ka dambeeyo uusan aqbaleyn.
Cali Jeyte ayaa dhanka kale gacal ka dhigtay Xabashida Itoobiya oo la sheego inuu sirdoon usoo ahaa muddo 32 sano ah, waxaana hadalkiisa laga dareemayay inuu taageero ka heysto Itoobiyaanka, DF-kana aysan waxba u dhimi karin.