Baadargiga cajuuska ah ee madaxweynaha ka ah dalka Uganda ninka lagy magacaabo Yoweri Museveni ayaa lagu soo waramayaa in laga helay cudurka Coronavirus, sida ay habeenkii xalay ka dhawaajisay haweeney katirsan waaxda caafimaadka ee xukuumadda Kampala, Museveni ayaana iminka galay xaalad karantiil ah.
“Natiijooyinka baaritaanka waxay muujinayaan, in madaxweyne Yoweri Museveni uu qabo caabuqa Covid-19, balse xaaladdiisu waa ay wanaagsan tahay, waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo mudada uu dawada qaadanayo” ayay sidoo kale tiri haweeneydaan katirsan wasaaradda caafimaadka ee Uganda.
Baadarigaan 78 jirka ah ayaa Arbacadii lasoo dhaafay isagoo khudbad ka hor jeedinayay baarlamaanka dalkaasi sheegay, iney suuragal tahay inuu ku dhacay cudurka Corona, “waxaan subaxdii dareemay qabow yar,, taas oo sababtay inaan dalbado baaritaan caafimaad” ayuu yiri madaxweynaha Uganda.
Waxa uu intaa ku daray, in 2 kamid ah 3 baaritaan oo uu maray ay muujinayaan xaalado aad wanaagsaneyn, isagoo sheegay inuu sugayo baaritaan kale.
78 sana jirkaan kaligii taliyaha ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta ka jeedinayay hadallo muujinayay sida uu uga walaacsanyahay askartii Uganda ee lagu laayay weerarkii Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga deegaanka Buula Mareer ee Sh.hoose.
Markii ay sara u kacday musiibada cudurka Corona, waxay dowladda Uganda soo rogtay tallaabooyinkii ugu adkaa ee uu qaato waddan African ah, kuwaas oo lagu xakameynayo caabuqaan, waxayna bandow kusoo rogtay magaalooyin waaweyn, iyadoo xirtay suuqyada ganacsiga, goobaha waxbarashada iyo xuduudaha dalka, balse bishii febraayo ee sannadkii hore ayay madaxdu meesha ka saareen go’aannadaas.
Cudurka Corona oo ay wali saameyntiisu ka taagan tahay wadamo ku yaalla caalamka ayaa waxa uu gallaaftay nolosha madax katirsan dowladaha caalamka.