7 askeri oo qaarkood ka qayb galeen Duulaankii dhicisoobay ee Sanadkii lagu qaaday qaybo ka mid ah Wilaayada Galgaduud ayaa isu dhiibtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana lagu soo bandhigay Magaalada Ceelbuur halkaasoo lagu soo dhaweeyay.
askartaan qaarkood waxay sheegayaan in ay ka qayb galeen dagaalo ka dhacay Ceel gorof oo ku yaal Duleedka Wabxo aakhirkiina ay Wabxo tageen laakiin ugu dambeyn laga cararay oo dhanka Magaalada Maxaas Ciidamadu u wada carareen.
Ciidamadaan waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay ka baxeen howshii ay ku jireen haatana ay Wilaayada Galgaduud si xoriyad leh ku joogaan.
Halkaan ka dhegeyso Towbadkeenayaal lagu soo bandhigay Wilaayada Galgaduud