HomeAll newsAntony Blinken Oo Lagu Wado Inuu Booqasho Ku Tago Sucuudiga.+Ujeedada.(Warbixin

Antony Blinken Oo Lagu Wado Inuu Booqasho Ku Tago Sucuudiga.+Ujeedada.(Warbixin

Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa iney dar dar galiso xiriirka kala dhexeeya Maamulka Aala-Sucuud, kaas oo mudooyinkii lasoo dhaafay sii xumaanayay, kadib markii uu Sucuudiga xulafo la noqday dowladda Shiinaha.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay, in wasiirka waaxdaas ninka lagu magacaabo Antony Blinken uu Sucuudiga booqasho ku tagi doono isbuucaan socda, si loogu kuur galo iskaashiga istaraatiyadeed ee ka dhaxeeya xukuumadda Washington iyo maamulka Aala-Sucuud, kaas oo kuaaddan arrimaha dowliga ah iyo kuwa gobalka intaba.

Warkaan ayaa lagu xusay in Blinken uula kulmi doono masuuliyiin katirsan Maamulka Aala-Sucuud, inta uu ku guda jiro booqashadiisa, taas oo billaabaneysa maalinta talaada ee soo socota, waxayna qaadan doontaa muddo 3 maalmood ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka waaxa arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Arrimaha la filayo in Blinken uu kala hadlo madaxda Sucuudiga ayaa waxaa sidoo kale kamid ah, iskaashiga xagga amniga iyo midka dhaqaale ee ka dhaxeeya labada dal.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in Blinken uu Arbacada soo socota ka qaybgeli doono shir heer wasiir ah oo uu la yeelanayo dhiggiisa Golaha Iskaashiga Khaliijka, kaas oo ay kaga wadahadli doonaan iskaashiga sii kordhaya ee u dhexeeya Maraykanka iyo saaxiibada Khaliijka, si kor loogu qaado ammaanka iyo xasilloonida iyo yaraynta xiisadda gobolka.

Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa dhankiisa sheegay, in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka mudada uu booqashada ku joogo Sucuudiga uu madaxda dalkaas uga mahad celin doono, gacantii ay ka geysteen soo daadgureynta dadka Mareykanka ah ee ku sugan Suudaan.

Booqashadaan la filayo in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka uu ku tago Sacuudiga ayaa noqoneysa tii labaad oo uu mas’uul sare oo American ah ku tago dalkaas muddo 2 bilood gudaheed ah, kadib booqashadii uu bishii hore dalkaas ku tagay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular