Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saaka oo Sabti ah war cusub kasoo saaray weerarka hotel Pearl Beach halkaasoo ay shalay galab illaa xalay galinkii dambe ka dagaalamayeen.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa si hordhac ah loogu sheegay in weerarka lagu dilay kudhawaad 30 xubnood oo ka tirsan DF.
“Ciidamada Mujaahidiintu waxay xalay fiidkii saacadu markii ay ahayd 8:00pm hawlgal qorshaysan oo inghimaasi ah ku qaadeen xarunta lagu magacaabo Pearl beach ee degmada Cabdi Caziiz ee
magaalada Muqdisho.
Xarunta ay mujaahidiintu weerarka ku qaadeen ayaa ah goob ay ku caweeyaan saraakiish iyo madax ka tirsan kooxda ridada Soomaaliya, kuwaas oo kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah shareecada Islaamka iyo boobka dhaqaalaha Ummada Soomaaliyeed ee muslimka ah.
Ciidamada Mujaahidiinta ee hawlgalka fuliyay waxaa u suurtagashay inay gudaha u galaan dhismaha Pearl beach kadib markii ay laayeen dhamaan ilaaladii hubaysneed ee joogtay xarunta, kadibna Allaah fadligii ay si buuxda gacanta ugu dhigaan dhismaha.
Hawlgalka ay Mujaahidiintu ka fuliyeen Pearl beach ayaa qaatay muddo ku dhow toban saacadood uu xiriir ah, waxayna inghimaasiyiinta Mujaahidiintu dagaal adag la galeen ciidamadii gurmadka ahaa ee cadawga kuwaas oo in ka badan 7 jeer lagu jebiyey weeraro ay soo qaadeen tan iyo fiidkii uu hawgalku billawday.
Khasaaraha hordhaca ah ee ka dhashay weerarka inta ilaa hadda la xaqiijiyey waa 29 murtad oo dhimasho ah iyo dhaawaca tiro intaas ka badan, balse faahfaahino dhameystiran iyo tirakoobka ugu dambeeya dib ayaan kasoo gudbin doonaa insha-Allaah”
Hawlgalkan ayaa wuxuu kusoo aadayaa iyadoo DF ay maalmihii lasoo dhaafay ku faaneysay iney sugtay ammaanka magaalada Muqdisho islamarkaana ay XSHM ka hor istaagtay iney soo weeraraan xarumaheeda.
HOOS KALA DEG WARSAXAAFADEEDKA OO PDF AH
Pearl beach bahday may aqoon beena ma ahayne
Niman kii kufrigu uu ba,shee baray fawaaxiishta
Baadarigu niman kuu fisqiga buuga uga qeeg xay
Baybalada niman kii labaray ee bi,iyey diin tooda
Baabah baa shabaab kii kadhigay beena ma ahayne
Bawaar iyo halaag bay badeen baaqigii haraye
Bilaash bay u moodeen dhulkaan ay ba,sana yeene
Barbaar baa xasuuqoo kurtood way biree yeene
Barakee Ilaahow ragaa bixiyey dhiigooda