HomeAll newsWabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Baledweyne & Barakac Xooggan Oo Ka Bilowday.

Wabiga Shabeelle Oo Ku Fatahay Baledweyne & Barakac Xooggan Oo Ka Bilowday.

Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa xalay ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Baledweyne,waxaana maanta xaafadahaasi ka bilowday barakac xooggan.

Xaafadaha uu wabigu ku fatahay waxaa kamid ah Kooshin, Howlwadaag iyo Buundaweyn wabiga ayaana karkaarada ka jabsaday xili dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay uu waday biyo aad u farabadan, islamarkaana laga cabsi qabay inuu fatahaad sameeyo.

Wararka maanta Baladweyne ka imaanaya ayaa sheegaya in xaafadaha magaaladaasi ka socda barakac aad u baahsan oo sameynayaan dadka ku dhaqan gudaha magaalada Baledweyne, kuwaas oo u barakacaya dhulka taaga ah oo aysan biyaha galin si ay uga baxsadaan halista ka dhalan karta biyaha wabiga Shabeelle.

Meelaha ugu badan ee barakaca uu ilaa Xalay ka socda ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Kooshin, Howlawadaag iyo Buundaweyn, mana lasoo warin cid wax ku noqotay maadama dadku ay si aad ah uga feejignaayeen inuu fatahaad sameeynayo wabiga Shabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ee ka arimaya magaalada Baladweyne ayaan sameynin wax isku day ah oo ay kula tacaalayaan sidii looga hortagi lahaa fatahaadaha kusoo noqnoqday ee saamaynta daran ku yeeshay dadka ku dhaqanBaladweyne, waxaa xusid mudan in shalay galinkii dambe uu Baledweyne soo gaaray madaxa maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo aanan wali ka hadlin fatahaada ku dhuftay xaafado ka mid ah Baledweyne, islamarkaana sababay barakaca xooggan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular