HomeAll newsMadaxweynaha Kenya oo Quus Ka Muujiyay Xaaladda Ciidamada Shisheeye Ee Kusoo Duulay...

Madaxweynaha Kenya oo Quus Ka Muujiyay Xaaladda Ciidamada Shisheeye Ee Kusoo Duulay Soomaaliya Iyo DF.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo maalmihii lasoo dhaafay xusulduub ugu jiray sidii uu macaash dullaalnimo ah uga sameyn lahaa xaaladda adag ee ay ku sugan tahay DF ayaa muujiyay quus ku aadan inaan la heli karin dhaqaalaha loo baahan yahay si duullaanka Soomaaliya loo sii wado.

Kadib markii ay dowladaha reergalbeedka hanti badan ku bixiyeen duullaanka Soomaaliya islamarkaana intooda badan joojiyeen markii ay natiijo rasmi ah usoo bixi weysay, ayaa wuxuu Ruto canaan kala duldhacay dowladaha ku bahoobay ururka midowga Afrika, isagoo sheegay iney xamili waayeen la tacaalidda xaaladaha ka taagan Afrika muddo ka badan 60 sano oo uu ururku jiro.

Wuxuu si gaar ah walaac iyo quus uga muujiyay in AU aysan awoodin xataa iney bixiso lacag dhan 85 milyan oo doolar oo loo qaaraamo dowladda taagta daran ee Xassan Sheekh.

“Waxaan si dhab ah ugu baahannahay su’aalo weydiinta maamulka AU. Wax kale iska dhaafe maanta ma taageeri karno Soomaaliya. Waxaan sugeynaa in Midowga Yurub uu na siiyo $85M. Arrintaas waa waalli. Ma waxaad ii sheegaysaa 54 dal ineysan 60 sano ka dib xornimadooda maamuli karin $85 milyan oo doolar oo lagu taageero dowladda Soomaaliya? ayuu yiri Ruto.

Hadalkiisa ayaa waxaa ka muuqday quus iyo niyad jab badan, marar badan wuxuu u duur xulayay dowladaha reergalbeedka ee kasii jeesanaya dhaqaale ku bixinta duullaanka Soomaaliya, wuxuuna soo jeediyay in ay lagama maarmaan tahay in ururka mudowga Afrika uu si madaxbannaan ula tacaali karo xaaladaha qaaradda.

“Hawlgallada nabad ilaalinta ee Soomaaliya waxay ku tiirsan yihiin maalgelin shisheeye. Dowladda Muqdisho waxay ku tiirsan tahay deeqaha iyo deymaha ay ka hesho dalalka horumaray,” ayuu yiri Roto.

Hadalkan walaaca ah ee madaxweynaha Kenya ayaa kusoo aaday xilli billowgii todobaadkan ay magaalada Kambala ku kulmeen madaxda Kenya, Uganda, Itoobiya, Burundi, Jabuuti iyo madaxweynaha DF oo ahaa dhibanaha loo qareemayay, waxayna si wadajir ah gunaanadkii kulankooda ugu baaqeen in ururka midowga Afrika uu taageero dhaqaale u siiyo maamulka Muqdisho.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular