Baqdin xooggan ayaa ka dhalatay fal burcadnimo ah oo ay ku kaceen rag Tuugo ah oo u dhashay dalka Japan, kuwaas oo dharaar cad jabsaday goob ganacsi oo ku taalla caasimadda dalkaas.
Afar tuug oo u dhashay dalka Japan ayaa jabsaday bakhaar weyn oo ku yaala wadada Ginza ee magaalada caasimadda ah ee Tokyo, taasi oo argagax iyo naxdin ku abuurtay dadkii soo booqanayay xaruntaan oo ah mid ka mid ah goobaha ugu caansan ee laga dukaameysto ee dalkaasi.
Tafaasiisha horudhaca ah ee dhacdadaan ayaa tilmaamaya, in raggaan tuugada ah oo wajiyada soo duubtay ay bur buriyay albaabka xaruntaan, iyagoo intaa kadib weeraray goobaha bandhigga ee xarunta, shaqaalaha xilligaasi joogay goobta oo ahaa 5 nin ayayna ugu hanjabeed iney mindiyeyn doonaan haddii ay tallaabo qaadaan.
Dadka wadada marayay ayaa aad ula yaabay dhiirranaanta tuugadaan, waxaana markii ay soo dhameysteen howlahooda tuuganimada ah mar qura is qabsaday dhawaqa digiinta oo ka yersay wadadaan oo ay ku yaallaan goobo ganacsi oo waaweyn, kuwaas oo lagu iibiyo agabyo kala duwan.
Warbaahinta maxalliga ah oo soo xiganeysa boliska Magaalada Tokyo ayaa sheegtay, in 4 ruux ee tuugada ah gacanta lagu dhigay, kadib markii ay isku dayeen iney dhac u geystaan xarun kale oo ganacsi, waxaana xarumaha ganacsi ee ku yaalla wadadaan ay ka xadeen 100 saacadood oo kuwa qaaliga ah, weerarkaan ayaana geysan wax khasaare ah.
Laba Vedio oo laga soo qaaday tuugada xilligii ay falka xatooyada ah sameynayeen ayaa lagu baahiyay baraha Internetka, waxaana daawaday dad ku dhaw 14-Milyan oo ruux.
Barta Twitterka oo kamid ah goobaha lagu baahiyay muuqaallada ayaa dadka aragtiyada ka dhiibayay falkaan waxay badankood sheegeen iney la yaabaayen in dharaar cad ay caasimadda Japan ka dhacaan falal xatooyo ah.
Wadadaan ayaa lagu tilmaamaa iney kamid tahay goobaha ugu caansan ee ku yaalla dalka Japan, halkaas oo ay soo booqdaan dadka dalxiisayaasha ah, kuwaas oo ka ganacsada xarumaha ku yaalla halkaan.