HomeAll newsIn Ka Badan 10 Ruux Oo Ku Dhimatay Shil Ka Dhacay Dalka...

In Ka Badan 10 Ruux Oo Ku Dhimatay Shil Ka Dhacay Dalka Mexico.

Wararka naga soo gaaraya  gobolka katursan dalka Mexico ayaa ku waramaya in 13 ruux ay ku dhinteen shil gaari oo ka dhacay meel u dhow magaalada xarunta u ah gobolkaasi sida ay shaaceen madaxda Dalka.

Ugu yaraan saddex iyo toban qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shilkaasi oo dhacay waddo wayn oo ku taalla meel ka baxsan magaalo madaxda gobolka uu shilku ka dhacay ee dalka Mexico, Waaxda amniga dadweynaha ee gobolkaas ayaana sheegtay shilka uu ka dhashay kadib markii ay isku dheceen Laba gaari oo marayey highway-gaas.

Sarkaal u hadalay kooxaha gurmadka ayaa sheegay in shilka kadib mid kamid ah gawaarida uu dhaliyey dab aad u xoogan taasi oo sababtay in halkaasi ay ku dhintaan dadkii dhaawaca ahaa, waa sida uu hadalka u dhigay.

Wali Lama shaacin waxa rasmiga ah ee dhaliyey shilkan geestay khasaaraha baaxada leh, walow laamaha amaanka iyo kuwa gurmadka dag daga ah ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadan.

Muuqaalo ay baahisay warbaahinta gudaha dalkaasi oo ku faafay baraha Internetka ayaa muujinayay labada baabuur ee isku dhacay oo holcaya iyo shaqaalaha gurmadka oo dad gubtay kasoo saaraya burburka gawaarida.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular