HomeAll newsDF oo been ka sheegtay nin ay soo bandhigtay .

DF oo been ka sheegtay nin ay soo bandhigtay [Warbixin].

Sirdoonka DF ayaa maalinkii shalay soo bandhigay nin ay ku sheegeen in uu yahay sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Cabdiraxmaan Macalin Axmad.

Sirdoonka DF ayaa intaas ku daran in ninka ay soo bandhigeen uu ahaa garsoore uuna soo noqday la taliyaha hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab, Sheekh Mukhtaar Abu Zubayr.
Hadaba Shabakada Wararka SOMALIMEMO oo u kuurgashay sheegashada sirdoonka DF ayaa ogaatay in ninka ay soo bandhigeen uusan ahayn sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, balse uu ahaa nin shacab ah oo macalin ka ahaa mid kamid ah macaahidda Qur’aanka ee degmada Jilib.
SOMALIMEMO ayaa ogaatay in ninka lagu magacaabo Cabdiraxmaan Macalin Axmad uu macalin ka ahaa machad lagu magacaabo Xuffaadul-Waxyeyn kaas oo Qur’aanka iyo Axaadiista lagu xifdisiiyo caRruur ay da’doodu ka yartahay 15 sanadood.
Sirdoonka DF ayay caado u tahay in ay soo qabtaan dadka shacabka ah oo isugu jira rag iyo dumar kadibna ku shaabadeeyaan inay yihiin saraakiil sare oo ka tirsan Jihaadiyiinta kuwaas oo qaarkood ugu dambayn dil toogasho ah lagu fuliyo.
Dhawaan ayay ahayd markii warbaahinta DF uu kasoo muuqday nin ay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) kaas oo sheeganaya in uu ahaa sarkaal xilal sare kasoo qabtay Al-Shabaab arinkaas oo ay Xarakadu iska fogeysey.
Maalmo kadib ayaa waxaa baraha bulshada kasoo muuqday Maxamed Cabdinuur Jiirow (Dr. Fanax) kaas oo sheegaya in uusan wax shaqo ah ku lahayn Al-Shabaab isla markaana hadallada uu sheegay oo dhan ay ku qasbeen sirdoonka DF kadib markii ay jirdil xooggan u geysteen.
Dr. Fanax oo muuqaal kasoo dhex duubay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa ka codsaday madaxweynaha DF Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare Xamse in ay cadaalad u sameeyaan, balse cid hadalkiisa wax kasoo qaaday ma jirin waxaana lagu toogtay goob fagaare ah.

Xigasho: Somalimemo
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular