Saaka aroortii hore waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar kula dheelmadeen xero ciidan oo ku taalla degaanka Masagawaay ee wilaayada Galgaduud.
Xerada oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan DF oo dhawaan halkaasi tagay ayaa waxaa lagu qaaday weerar jihooyin kala duwan ah, mana awoodin iney sii dagaalamaan, taasoo Al-Shabaab u suura gelisay iney xerada la wareegaan.
Ciidanka DF ayaa waxaa gaaray khasaare kala duwan walow intooda badan ay carareen sida xogta lagu helayo, laakin waxaa ciidamada Al-Shabaab u suura gashay iney xerada ka rartaan wixii saanad ah ee yiilay sidoo kalana kaxaystaan gaadiidkii goobta yiil oo kala nooc ah.
La soco wixii soo kordha.