Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor dhow soo saaray warsaxaafadeed ku aadan weerarkii cuslaa ee saaka ka dhacay degaanka Masagawaay iyo weerar kale oo kamiin ah oo loo dhigay ciidamo gurmad usoo sameeyay kuwa la weeraray.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xaqiijiyay in gabi ahaanba xerada ay la wareegeen ciidanka milatariga XSHM sidoo kalana askartii DF ee halkaa joogtay ay noqdeen wax la dilo iyo kuwa carara.
Taliska ciidanka XSHM ayaa sheegay in ay la wareegeen saanaddii ciidan ee xerada tiilay sidoo kalana ay furteen gaadiid dagaal oo uu kamid yahay nooca Tiknikada la yiraahdo ee ay qoryaha ku rakiban yihiin.
Khasaaraha dhimasho ee ciidamada DF ayaa aad u badan kaasoo kor u dhaafaya 70, wuxuu taliska ciidanku ballan qaaday inuu dib kasoo gudbin doono wixii kasoo kordha dagaalka.
Waa markii labaad oo ay Al-Shabaab weerarayaan ciidamo kamid ah kuwa DF oo ku sugan Masagawaay kalana wareegayaan hubkii iyo gaadiidkii ay heysteen. Bishii April dhammaadkeedii ayay ahayd markii sidan oo kale ay ciidamada XSHM u weerareen fariisinkii ciidanka DF ee Masagawaay.