Imaaraatka Carabta ayaa maamulka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad ugu baaqay inuu kasoo qeyb-galo shir looga hadlayo arrimaha Cimilada.
Dowladaha Carbeed gaar ahaan kuwa dhaca Mandiqadda Khaliijka ayaa utafaxeydanaya, sidii ay u dhaqan galin lahaayeen go’aankii dhawaan kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta ee dib loogu soo celiyay Nidaamka Nuseyriyada xubinnamadiisii ururkaas.
Wakaaladda Wararka Suuriya ayaa sheegtay in madaxa Nidaamka Nuseyriyada Suuriya Mujrimka lagu magacaabo Bashaar Al-Asad uu casuumaad ka helay dhiggiisa Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Zayid, si uu uga qaybgalo shirka Cimilada ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada Dubai.
Nidaamka Bashaar oo la ogaa wixii uu ugeystay shacabka muslimka sunniga ah ayaa markale kasoo muuqan doona golayaasha ururkan jaamacadda carabta oo ah Urur loo dhisay sidii loo kala geyn lahaa muslimiinta caalamka, waa urur qowmi ah oo ka shaqeeya sidii muslimiinta looga dili lahaa ruuxda midnimada iyo isku gurmashada.
Casuumaadda katimid Imaaraatka Carabta ee loo fidiyay hogaamiyaha Suuriya ayaa ka dhigan, shirkii ugu horreysay oo dowli ah, kaas oo uu kasoo qeyb galo hogaamiyaha dhiigya cabka ah ee Nidaamka Nuseyriyada, tan iyo wixii ka dambeeyay markii dib loogu soo celiyay kursigii uu ku lahaa ururkaas, kadib maqnaashiyo 12 sanadood qaatay.