HomeAll newsCiidamada Uganda oo Caruur ku Xasuuqay Duleedka Baraawe.

Ciidamada Uganda oo Caruur ku Xasuuqay Duleedka Baraawe.

Ciidamada Uganda ayaa Degaanka Mudul Baraawe ee Duleedka Magaalada Baraawe ku dilay lix Caruur ah Shalay Gelinkii dambe kadib markii ay Madfac ku dhufteenn,

hooyada dhashay Wiil Agoon ahaa oo ka mid noqday Caruurta Ugandheysku ay gardarada ku dileen ayaa wareysi Idaacaddaan Islaamiga ah ee Alfurqaan la yeelatay ku sheegtay in lixda caruur ah ee geeriyootay marka laga soo tago canug kale uu dhaawac yahay.

waxay xustay in Shalay gabbal gaabki Madfacu kaga yimid dhanka Ciidamada Uganda ee Degaanka Degaanka Ambareeso oo ay deris yihiin.

waxay xustay in gardarro lagu soo duqeeyay oo caruurtooda lagu laayay, wax ay iyagu hadii ay shacabka yihiin ay Ugandheyska ka sameeyeena aanay jirin.

Ciidamada Uganda ayaa ka aar gudanaya Shacabka kadib Markii dhawaan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin qaar iyaga ka mid ahaa ku laysay Xero ay ku lahaayeen Duleedka Magaalada Buulo mareer ee Gobalka Shabeelaha hoose halkaasoo la sheegay in laba boqol oo askeri oo Uganda u dhashay dhegta Dhiiga loogu daray.

Shalay ayay ahayd markii Afar qof Ugandheysku ku dileen Magaalada Buulo mareer kadib markii ay Madaafiic ka soo rideen Xero ay ku leeyihiin Degaanka Golweyn oo duleedkeeda ku yaal sidoo kalena ay Diyaaradaha qumaatiga u kaca ku duqeeyeen.

Halkaan ka dhegeyso wareysi Haweeney duqeyn Mudul Baraawe ka hadleysa.

(Alprazolam)

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular