HomeAll newsCIA-da Mareykanka Oo Baadi Goobeysa Dad Xoga Sirdoon Uga Soo Dusiya Ruushka.

CIA-da Mareykanka Oo Baadi Goobeysa Dad Xoga Sirdoon Uga Soo Dusiya Ruushka.

Dowladda Mareykanka ayaa qaadeysa tallaabo waliba oo ay isaga hor keeni karto dadka Ruushiyaanka ah iyo xukuumaddooda, waaxda Sirdoonka ee xukuumadda Washington ayaana sii xoojisay, dadaaladda ay ku dooneyso iney dadka Ruushiyaanka ah uga dhaadhiciso dusinta xogaha sirta ah ee dalkooda.

Mareykanka ayaa si gaar ah u beegsanaya dadka Ruushiyaanka ah ee ka niyad jabsan xaaladda xukunka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, waxayna barteeda Telegramka soo galisay muuqaallo lagu soo jiidanayo dadkaas.

Muuqaallada ay baahineyso waaxda sirdoonka ee dowladda Mareykanka ayaa ah kuwa muujinaya shaqaale dowladadeed iyo haweeney oo isaga qabo ooo heysata ilo yar oo u muuqda kuwa ay heysato dhibaato xagga nolosha ah, kuwaas oo is weydiinaya in ay tani tahay nolosha ay ku riyoonayaan.

Muuqaallada nuucaan ah ayay dowladda Mareykanka ku dooneysaa iney ku soo jiidato dadka mucaaradsan duullaankii ay dowladda Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, si ay uga hesho xogo sirdoon oo u horseedi kara beegsashada xukuumadda Moscow.

Waxay waaxda Siroodona ee Mareykanka sameusay wabsite ay ku sheegtay inuu xaqiijinato bad-qabka dadka soo gudbinaya macluumaadka sirta ah, waxayna muuqaallada ay faafisay soo raacisay, qoraallo tilmaamaya habka ay dadka Ruushiyaanka ah usoo gudbin karaan xogaha ay hayaan.

Waxaa si gaar ah loo beegsanayaa dadka u shaqeeya dowladda Ruushka, sida kuwa katirsan hey’adaha sirdoonka, diblimaasiyiinta, saynis-yahannada qolyaha ka shaqeeya arrimaha taknoolajiyadda iyo qeybaha kale ee xukuumadda, dadaalka intaa la ag ayayna umareysaa helidda xog waliba oo ay kula dagaallami karto dowladda Ruushka.

Sarkaal katirsan waaxda Sirdoonka ee xukuumadda Washington oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa xusay, in ujeedka ay arrinkaan u sameynayaan uu yahay in dadka Ruushiyaanka ah ee la shaqaaleysiinayo ay siiyaan marinnada ugu ammaanka badan uguna macquulsan oo ay kula xiriiri karaan hey’adda CIA-da Mareykanka.

Dowladaha reer-galbeedka ee uu Mareykanku ugu horreeyo ayaa ka daalay, duullaanka ay kula jiraan Ruushka, waxay marar badan dalkaan saareen cunaqateymo kala duwan, balse waxaa muuqaneysa in dhammaan xermooyinkaas cunaqateymaha ah aysan saameyn muuqata ku yeelan xukuumadda Moscow, maadaama ay heshay wadamo waaweyn oo Mareykanka xifaaltan kala dhaxeeyo, kuwaas oo ay is weydaarsanayaan dhaqaalaha iyo arrimaha muhiimka ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular