Faahafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerarkii cag marinta ahaa ee saaka lagala dhul dhacay ciidankii DF ee ku sugnaa degaanka Masagawaa ee gobolka Galgaduud ee bartamahadalka Soomaaliya.
Sida lagu sheegay war hordhac ah oo ka soo baxay taliska ciidanka Al-Shabaab waxaa weerarka lagu dilay 13 xubnood oo ay ku jireen Saddex Kamid ah Abaabulayaasha macawiisleyda kuwaasi oo kala ah:
1- Cusmaan Macalin Axmed, oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada DF. wuxuu sidoo kale ka mid ahaa qabqableyaal maalmo kahor loo diray degaanka Masagawaay si ay halkaas uga abaabulaan maleeshiyaat Macawiisleey ah.
2- Cabdulle Geeljire, abaabule Macawislay
3 Ibraahim Maxamed Cusmaan, abaabule Macawislay.
Weerarka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 7 askari oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo garaab ah, halka ciidanka Mujaahidiinta ay ku soo furteen ilaa 4 gaari oo kala ah: 1 Gaari C/Bile ah uu saran yahay qori dhashiiko ah. 2 Gaari uu ku rakiban yahay qori Biiteem ah.
3 Gaari Qooqan ah. 4 Gaari Nuuca raaxada ah.
Weerarkan lagu laayay ciidanka DF ayaa imaanaya iyadoo laba maalmood oo kaliya laga joogo markii cagta la mariyay ciidamada DF ee joogay degaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud, kaas inta la xaqiijiyay lagu dilay in kabadan 50 askari oo ay saraakiil ku jiraan.