Madaxweynaha DF ayaa soo saaray hadal qoraal ah oo uu ugu tacsiyeynayo qaar kamid ah xubnihii DF looga dilay weerarkii milatari ee shalay ka dhacay degaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud.
Qoraalka ayaa wuxuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay wixii halkaasi ka dhacay gaar ahaan dilka sadax xubnood oo uu isagu ka diray magaalada Muqdisho si ay halkaasi uga abuuraan melleyshiyada macawiisley.
Xubnaha uu sida gaarka ah ugu tacsiyadeeyay ayaa kala ah Cusman Macalin Axmed, Ibraahim Maxamed Cusman iyo Cabdullahi Geeljire, kuwaasoo ku baxay weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen xerada askarta DF ee Masagawaay.
Tareedishe oo kamid ah taliyaasha ciidamada DF ayaa sheegay in xubnahan oo odayaal ah ay geeriyoodeen iyagoo dagaalamaya oo xabbadda ridaya, laakin Xasan Sheekh ayaa weerarka lagu dilay ku sifeeyay mid bahalnimo ah.