Ceelbuur oo ka tirsan wilaayada islaamiga ah ee Galgaduud kana mid ah magaalooyinka ay ka taliso Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta si heer sare ah looga ciiday.
Fagaare weyn ayay dadku isugu yimaadeen halkaas oo lagu tukaday labada rakcadood ee Ciida waxaana salaada kadib ay dad weynuhu dhageysteen khudbad muhiim ah oo ka hadleysa xaaladda iyo waaqica.
Salaada kadib, dadku waxay ahaayeen kuwa isku hambalyeynayay oo is oranayay “Ciid-mubaarak” iyo kuwa kale.