HomeAll newsKu dhawaad boqol askeri oo Galcad ka baxsatay iyo Dowladda Federaalka oo...

Ku dhawaad boqol askeri oo Galcad ka baxsatay iyo Dowladda Federaalka oo qaarkood jidka ku dishay.

4 askeri oo ka tirsanaa CIidamada Dowladda Federaalka ayaa dhintay sideed kalena waa ay dhaawacmeen  kadib markii Ciidamo ka Baxsaday Furunta Dagaalka ee Galcad ay dhabaha u galeen Ciidadanka Danab ee isla Dowladda Federaalka ka tirsan  ee Maraykanku ku adeegto.

 

Dagaalka ayaa Maanta ka dhacay inta u dhexeysa Moqokori iyo  Ceel Cali Axmed ee kala tirsan Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waxaana la beegsaday Ciidamadaan oo lixdan Gaaraya .

Ciimadaan ayaa baxsaday Magaalada Galcad si ay uga badbaadaan dagaalada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin soo qaadeyso ee horay Ciidamo badan loogu laayay waxaa dhabaha u galay Ciidanka Danab oo laga soo diray dhanka Adan yabaal laguna soo amray in ay Geeri ama nolol ku keenaan.

 

Ciidamada Danab ayaa dagaalka ku adkaatay waxayna qaadeen dhaawacyada oo ay geeyeen Aadan yabaal waxaase jira baa la leeyahay Ciidamo kale  oo kuwa baxsadka ahaa ka mid ahaa oo weli Howdka ku jira.

Sida Muuqata Ciidankaan ayaa doonayay in ay wareegtaan Xarumaha Ciidamada Dowladda Federaalku ku xoogan yihiin meelaha kale ee aan Ciidamo badan joogina Qori Caaradii ku Maraan sidaasna Xamar ku galaan.

Geesta kale Ciidamo kale iyaguna Galcad ka baxsaday  ayaa waxay ka gudbeen Deganka Alkowthar ee Duleedka Aadan yabaal kadibna waxaa ay ka gudbeen Degaanka Boos Caamir oo u dhexeeya Kowthar iyo Nuur Dugle

Waxay ku wajahan yihiin dhanka Muqdisho waxaana suura gal ah in ay dagaalo la kulmaan sidii Saaxiibadood qabsatay oo kale maadaama la rabo in si qasab ah furunta dagaalka oo ay ka niyad jabeen loogu hayo.

Ciidankaan ayaa gaaraya 31 askeri sida aan xogta ku nelnay waxayna u feejigan yihiin si aad ah iyagoo diyaar u ah in ay xabad afka ak geliyaan cidii isku dayda in ay dib ugu celyaan Meel Xarakada Shabaabul Mujaahidiin joogaan.

Alshabaab oo ka jawaabeysa Duulaanka  Dowladda Federaalka ah ee Shisheeyuhu caawinayo ku soo qaaday Wilaayaatka Islaamiga ah ayaa saldhigyo badan waxay ku qaaday weeraro cagmarin ah oo ay ku laysay askar Boqolaal ah  taasoo cabsi ku riday Ciidamada nool kuwaasoo hadda Muuqata awoodi waayay in ay Jidda Dagaalka ku samraan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular