Qaar ka mid ah Hogaamiyaasha Dhaqanka ee Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa ayaa si qota dheer uga hadlay Duulaanka Dowladd Federaalka oo Maraykanku duqeyn ku caawinayo ku soo qaaday Wilaayaatka Islaamiga ah iyo jabka ay la kulantay.
waxay soo hadal qadeen weeraradii Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku xasuuqday Ciidamo fariisimo kala duwan ku sugnaa oo Dowladda Federalka ka tirsanaa,
waxay soo hadal qaadeen weeraradii ugu dambeeyay kii Bud bud oo Galgaduud ka tirsan ka dhacay kaasoo lagu dilay kontomeeyo ka tirsanaa Askarta Dowladda Federaalka ah.
Odayaasha sheegay in dagaalkii Bud bud kadib Ciidamo badan ka baxsadeen Furumaha Dagaalka gaar ahaan Mooryaanta Macawisleey kuwaasoo kala aaday Guulane, Ceel baraf, Biya cadde iyo Masaajid Cali gaduud oo dhamaantood Shabeelaha dhexe ka tirsan