Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose Sheekh Cabdisamad (Abuu Cabdiraxmaan) oo aan goor dhow wareysanay ayaa faahfaahin horudhac ah ka bixiyay dagaal maanta ka dhacay degaanka Bilaal oo aad ugu dhow degmada Jannaale.
Wuxuu sheegay in dagaalku uu yimid kadib markii ay ciidankoodu dhabbaha u galeen kolonyo gaadiid ah oo galbinayay sahay kasoo baxday Muqdisho oo loo waday ciidanka Uganda ee heysta Jannaale.
Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu xusay in markii ay jabeen ciidanka dhabbaha loo galay ay sidoo kale mujaahidiintu jab culus gaarsiiyeen kuwa kale usoo gurmaday oo isugu jiray Uganda iyo Soomaali.
Mar aan wax ka weydiinay khasaaraha wuxuu xusay iney jirto dhimasho badan oo Atmis iyo DF gaartay sidoo kalana ay ka gubeen tobaneeyo gaadiid ah, wuxuuna si rasmi ah u xaqiijiyay gubashada 4 gaari oo gaashaaman oo noocoodu yahay Taw.
Inta uu wareysigu socday wuxuu sidoo kale waaligu bixiyay tafaasiil intan ka badan oo dagaalkii maanta ku saabsan, isagoo ugu dambeyntii bulshada ugu baaqay iney ka fogaadaan ciidamada shisheeye iyo kuwa DF maadaama ay mar walba suura gal tahay in la beegsado.
Halkan Ka Degso Wareysiga Waaliga Sh Hoose Sheekh Cabdisamad