Ciidamo ka tirsan milatariga Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka weerar kula kallahay degaanka Masagawaay ee gobolka Galgaduud gaar ahaan fariisin ay halkaa ku lahaayeen ciidamada DF.
Dagaal muddo socday kadib waxaa u suura gashay ciidanka Al-Shabaab iney la wareegaan gacan ku haynta degaanka. Khadka isgaarisinta ayaa ciriiri ah marar badanna waa ay maqan tahay, balse waxaan heleynaa xogo rasmi ah oo xaqiiijinaya in dagaalka lagu kala baxay, ciidamada dowladdana lagala wareegay xerada islamarkaana laga soo furtay hub iyo gaadiid.
Sidoo kale waxaa dagaalka lagu dilay ciidamo badan oo kamid ah kuwa DF, waxa uuna weerarkan kusoo aadayaa iyadoo laba maalmood oo kaliya laga joogo markii cagta la mariyay ciidamada DF ee joogay degaanka Budbud ee isla gobolka Galgaduud.
Janaraal Biixi oo ah taliyaha lugta ee DF ayaa todobaadkii lasoo dhaafay sheegay in aysan dhici doonin in mar dambe ay XSHM soo weeraraan xeryahooda islamarkaana dhibaato u geystaan ciidamadooda.