HomeAll newsDEG-DEG: DF Oo Isaga Carartay Cali Yabaal Iyo Al-Shabaab Oo La Wareegay.

DEG-DEG: DF Oo Isaga Carartay Cali Yabaal Iyo Al-Shabaab Oo La Wareegay.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgalduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegay in goordhow ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen degaanka katirsan gobolkaasi kaas oo ay waayahan dambe ku sugnaayeen askarta DF.

Ciidamo aad uhubeysan oo katirsan Mujaahidiinta ka howlgala wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ayaa dhowr jaho ka galay islmarkaana la wareegay degaanka Cali Yabaal ee dhacda duleedka degmada Ceeldheer kadib markii ay halkaasi isaga carareen askar iyo maleeshiyaad katirsan ciidanka DF.

Ciidankii DF ee ka baxay deegaanka ay lagu soo waramayaa in iminka ay  ku sugan yihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Wararka qaar ayaana tilmaamaya gudaha degmada Ceeldheer uu ka dhacay iska hor-imaad khasaare nafeed gaysay oo u dhaxeeyay ciidanka DF ee halkaasi ku wada sugan.

Tilmaamadan ay deganaakaasi isaga carareen ciidanka dowladda Federalka ayaa imaanaya saacado uun kadib markii saaka weerar cagmarin ah lagu laayay askar katirsan DF iyo horjoogaal Macawislay oo fariisin ku lahaa degaanka Masagawaay, iyadoona la xaqiijiyay in weerarkaan lagu dilay 13 askari oo ku jiraan 3 nin oo Villa Somalia ay usoo xil saartay in maleeshiyaad Macaawisley ah  ka abaabulaan deegaannada dhaca bariga Galguduud.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular