HomeAll newsCiid Mubaarak;Dhamaan Muslimiinta Caalamka Gaar Ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Ciid Mubaarak;Dhamaan Muslimiinta Caalamka Gaar Ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka iyo wariyaasha Idaacadda islaamiga ee Al-furqaan waxay Umadda Islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasabadda Ciidul-fidriga.
Waxaan leenahay Umada Soomaaliyeed iyo dhageystayaasheena meel weliba oo ay caalamka ka joogaan

تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Waxaan Nafteena iyo tiinaba ku boorineynaa inaan ku dadaalno sidii farxadda maalmaha ciida ay inoola wadaagi lahaayeen dadka danyarta ah ee jooga meel weliba, qof kastana haku dadaalo in ugu yaraan uu ciid siiyo labo ama mid kamid ah caruurta muslimiinta gaar ahaan kuwa Agoomaha.
Nabiga SCW wuxuu Xadiith ka sugnaaday ku yiri:-
وهل تنصرون وترزقون إلا بضعفائكم
Ugu dambeyn markale waxaa idin leennahay Ciid mubaarak, Alle acmaasheena kheyraadka ah ha inaga aqbalo.
Maamulka iyo Wariyaasha Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan.
01-Shawwaal-1444

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular