Iyadoo dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud Magaalada Aadan yabaal gaaray una sheegay Bulshada Degaanka in aan Maamulka Federaalka ah iyo kan Hirshabeellle waxba ugu oolin una qaba karin ayaa waxaa ariinkaa ka hadlay odayaasha Gobalka Shabeelaha dhexe.
Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Islaamiga ah ee Shabeelaha dhexe Nabadoon Cali Biyow Gaafoow iyo Nabadoon Mukhtaar Dhuubow oo ah xubin Golaha ka tirsan ayaa iyagoo u waramay Idaacaddaan Islaamiga ah ee Alfurqaan waxay sheegeen in Xasan Sheekh ka baxay balanqaadyo uu dadka horay ugu sameeyay ujeedkiisuna uu ahaa in uu jidka saxan ka leexiyo uuna ku guuleystay.
waxay u baaqeen in loo baahan yahay in Bulshada Gobalku Baraarugaan oo ay Allaah u towba keenaan kana haraan Maamulkaan Shisheeyuhu dhistay.
Halkaan ka dhegeyso odayaasha_Shabeelaha_dhexe_Cali_Biyow_Gaafow_iyo_Mukhtaar_Dhuubow