HomeAll newsDhageyso Weerar Khasaare Lagu Gaarsiiyay Askar Itoobiyaan Ah Oo Dhacay Baay Iyo...

Dhageyso Weerar Khasaare Lagu Gaarsiiyay Askar Itoobiyaan Ah Oo Dhacay Baay Iyo Howlgallo Kale.

Ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo khasaare lagu gaarsiiyay askarta shisheeye iyo kuwa DF ka fuliyeen qaar kamid ah gobollada dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Howlgalladaan oo isugu jiray weeraro toos ah, duqeyn iyo qarax ayaa lagu beegsaday goobo ay ciidanka Xabashida Itoobiya iyo kuwa maamulka Axmed Madoobe kaga sugan yihiin degmada Diinsoor ee gobolka Baay iyo magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaal toos ah ay Mujaahidiintu ku ekeeyeen koontarool ay ku sugan yihiin maleeshiyaat ilaalo u ah xerada askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Diinsoor, kaas oo markii dambe kusii fiday ilaa xerada Xabashida, waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay 3 askari oo Xabashida ah iyo mid kamid ah askarta Soomaaliyada ah ee xaratuurta ay ka dhigteen ciidanka Itoobiya.

Dhanka Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay weerar qarax ah oo lagu beegsaday guri ay daganaayeen ciidan katirsan sirdoonka maamulka Jubbaland, kaasi oo ku yaalla xaafada Siinay ee magaaladaasi, waxaana jira khasaaro xooggan oo gaaray askartii ku sugneyd guriga la qarxiyay.

Isla gobolka J/Hoose waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa weerar duqeyn ah oo saacadihii lasoo dhaafay lagu qaaday xarada ciidanka Jubbaland ee deegaanka Buulo Gaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay 2 askari, hal gaari xerada dhex yaalayna waxyeelo ay ka soo gaartay.

Halkaan Ka Dhageyso Faahfaahinada Howlgalladii Udambeeyay ee Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular