Waxaan dhexda kaga jirnaa bisha Shacbaan ee ku xigta bisha barakeysan Ramadaan.
Bishaan waxay leedahay fadli u gaar ah, Nabigeena Muxamed Sallaahi Calayhi Wasallam ayaana badin jiray Soonka.
Hadaba maxaan ka ognahay fadliga Soonka bisha Shacbaan Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah Culimada diinta Islaamka ayaa inooga waramaya faldiga bishaan iyo u diyaar garowga bisha xigta ee Ramadaan.