Kanaalka Wararka Al-kataa’ib ayaa goordhow baahiyay Filim maqal iyo muuqaal ah oo lagusoo badhigayo weerarkii dhawaan ka dhacay degmada Ruunirgood ee gobolka Sh/dhexe, kaas oo lagu dilay in ka badan 50 ka tirsanaa ciidanka Gor-gor oo isugu jiray saraakiil iyo askar.
Isdaarkan oo soconaya qadar 7 daqiiqo ah ayaa lagu daawanayaan ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo xili aroor hore ah dhowr jiro ka weeraraya islamarkaana u daadanaya difaacyada saldhigga ciidanka Gor-gor ee duleedka degmada Ruunirgood.
Dagaal kooban ka dib ciidanka Mujaahidiintu waxay guud ahaan si buuxda ula wareegayaan gacan ku haynta saldhigga, askartii DF ee halkaasi ku sugnaa ayaana u qeybsamaya wax la laayay iyo kuwa goobta dagaalka naftooda kala baxsaday sida lagu arkayo muuqaalka la baahiyay.
Sidoo kale Filimka wuxuu soo bandhigayaa meydadka calooshood u shaqeystayaasha Gor-gor oo daadsan gudaha xerada lagu dagaalamay. Ugu dambeyn muqaalka waxaa lagu soo gubinayaa goob si cajiib ah loogu soo bandhigay agabkii iyo hubkii ay Mujaahidiintu ku soo furteen weerarka.