
Weerarka ugu horreeya oo ahaa qaraxyo ayaa lagu beegsaday Hotelka Boosh ee degmada Hodon, xilligii uu weerarku dhacayay ayay hotelka ka socdeen falal anshax xumo ah.
Dagaalyahannada Al-Shabaab waxay xalay 3 howlgal ka kala fuliyeen saddex xaafad oo ka wada tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Howlgalka Kowaad oo dil ahaa wuxuu ka dhacay xaafada Cali Turcaaye oo ka tirsan degmada Yaaqshiid waxaana lagu beegsaday goob xarun u aheyd tuugada iyo ciyaal weerada calaqa iyo nuucyada kale ee daroogada ay ku isticmaali jiray kana soo duulaan tagi jireen marka ay doonayaan in dadka shacab ah dhibaateeyaan.
Weerarkan ayay ciidamada Al-Shabaab ku dileen 4 ruux oo ciyaal weera iyo Tuugo isugu jira sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Howlgalka Labaad waxay Al-Shabaab ka fuliyeen xaafadda Godeey oo ka tirsan isla degmada Yaaqshiid waxayna jihaadiyiintu howlgalkan oo Igitaal ahaa ku beegsadeen goob xarun u aheyd ciyaal weerada iyo Tuugada.
Sida ay wararku sheegayaan waxaa weerarkan lagu dilay illaa Saddex nin oo uu ku jiro nin tuug ah caan ka ahaa degmada Yaaqshiid kaasi oo lagu magacaabi jiray Xaseey.
Weerarka sedaxaad wuxuu ka dhacay xaafadda Juungal ee isla degmada Yaaqshiid waxaana lagu beegsaday guri lagu iibiyo daroogada noocyadeeda kala duwan laguna tunto.
Gurigaan ay weerareen Al-Shabab waxaa xilligaas ku sugnaa dad badan oo isugu jira cabtooy iyo haween jirkooda ka ganacsada waxaana jirta khasaara dhimasho iyo dhaawac ah balse tiro rasmi ah lagama hayo.