Xukuumadda Islaamiga ah ee Kabul ayaa soo bandhigay diyaarad cusub oo ah nooca aan duuliyaha laheyn ah, taas oo uu sameeyay Injineer u dhashay dalka Afgaanistaan.
Diyaaradaan lagu magacaabo Bakhtyar, islamarkaana lagu farsameeyay gudaha dalka Afghanistan ayaa duuli karto masaafo dhan 700-km.
Sidoo kale waxay xambaari kartaa labo gantaal oo culeyskoodu yahay 70 Kg, sida uu sheegay Injineerka sameeyay.
Dhawaan ayay ahayd markii gudaha wadanka Afgaanistaan lagu soo bandhigay gaari casi ah oo nuuca Isboortida ah kaas oo uu sameeyay farsameyaqaan u dhashay dalkaasi.
Tan iyo markii xukuumadda Islaamiga ah ee Daalibaan ay si buuxda ula wareegtay dalka Afgaanistaan waxay ka hirgelisay mashaariic ballaaran iyo hormaro la taaban karo oo dhanacyo kala duwan ah xili dalkaas ay saarantahay cunaqabatayno dhan waliba ah oo ay shisheeyuhu ku soo rogeen.