Wararka ka imaanaya gudaha waddanka Mareykanka ayaa tilmaamaya in tiro dad ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen toogasho wadareed goordhow ka dhacday gobolka Tennessee ee dhaca koonfur-bari ee dalkaasi.
Sida tabisay warbaahinta Mareykanka toogashada ayaa lala beegsaday iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Nashville ee xarunta gobolka Tennessee, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray qaar kamid ah ardaydii dhiganaysay iskuulka la weeraray.
Inta ilaa iyo iminka la xaqiijiyay waxaa ku naf waayay toogashadan ugu yaraan 4 ruux oo uu ku jiro fuliyii weerarka sidoo kalena waxaa ku dhaawacay tiro kale oo aan cadadkooda si rasmi ah oo shaacin.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in 3 caruur ah oo ka tirsanaa ardayda iskuulka uu weeraray ay halkaasi ku dhinteen, kuwa kale oo dhaawacyo qabana la geeyay goobaha caafimaadka magaalada.
Waaxda Bilayska ee magaalada Nashville ayaa qoraal ay soo dhigtay Tweeter-ka ku sheegay in israsaasayn dhexmartay ciidamada amaanka oo goobta gaaray iyo ruuxii toogashada geystay ay sababay dhimashada fulihii weerarka toogashada ah ,Iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin qaabka uu u dhacay weerarka iyo waxa sababay.