Howlgal Inqimaasi ah oo lagu daahfuray qaraxyo culus ayaa hadda ka socda mid kamid ah xarumaha DF ee degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho.
Xoga hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamo aad u hubeysan oo Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen xarunta laweeraray, iyagoo halkaasi ka bilaabay toogasho, aaga uu howlgalku ka socdo ayaa ah goob xasaasi ah oo ay degan yihiin madax katirsan dowladda Federalka.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkaani, wixii faahfaahin ah oo ku soo kordha howlgalka socda halkaan ayaan ku soo gudbin doonaa Insha-Allah.