HomeAll newsToogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka & Khasaare Ka Dhashay.

Toogasho Ka Dhacday Dalka Mareykanka & Khasaare Ka Dhashay.

Toogasho cusub oo geystay khasaare dhimasho ayaa ka dhacday koonfurta dalka Mareykanka sida ay sheegeen saraakiisha Booliska dowladda dalkaasi

Wararka ka imaanaya gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in ugu yaraan 4 ruux oo Ameerikaan ah lagu dilay toogasho ka dhacay magaalada Galena Park ee gobalkaas.

Sarkaal ka tirsan Booliska Texas oo u waramay saxaafadda ayaa sheegay in ruux hubeysan uu toogtay 4 ruux kuwaas oo isla goobta ku quur baxay, Wuxuu intaasi ku daray in goobta ay tageen ciidamada Booliska deegaanka iyadoo halkaasi baaritaano ka sameeyay.

Booliska Texas ayaa tilmaamay in ilaa hadda aan la ogeyn sababaha keenay weerarkaan toogashada ah oo ka dhacay habeenimadii xalay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular