HomeAll newsHowlgal Lagu Khaarijiyay Sarkaal Boolis Ah Oo Muqdisho Ka Dhacay.

Howlgal Lagu Khaarijiyay Sarkaal Boolis Ah Oo Muqdisho Ka Dhacay.

Howlgal gaar ah oo ay Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta ka fuliyeen degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidanka Booliska DF, kaas oo lagu magacaabi jiray Korneyl Ibraahim Guure

Sarkaalkaan la toogtay ayaa sidoo kale ahaa abaabule weyn oo kamid ahaa saraakiisha hogaamineysa dagaalka shareeco la dirirka ah ee ka socda wilaayada Hiiraan, raggii dilka geystay ayaana si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqay.

Waa sarkaalkii 3-aad oo ka tirsanaa dowaldda Federalka oo maanta Shabaabul Mujaahidiin ay khaarijiyaan, saacadihii la soo dhaafay ayay ahayd markii howlgallo ka kala dhacay Beled-Xaawo iyo Muqdisho lagu dilay Col. Maxamed Aweys oo ahaa Taliyihii Guutada 28-aad ee ciidanka DF iyo Bile Cardoof Colaad oo ahaa 3 xidigle ka tirsaa saraakiisha Booliska DF.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular